Opinions











Google
 
Web Somaliland

xildhibaanadu su’aalo kala duwan ka waydiiyeen Wasiirka Maaliyada Miisaaniyada sanadka 2011

21 Feb, 2011 - Hargaysa - Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa manta Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi su’aalo ka waydiiyay odoroska miisaaniyada sanadka 2011 oo dhawaan loo soo gudbiyay Golaha wakiilada iyada oo aanay weli ansixin Goluhu

Fadhiga manta ee Golaha wakiilada oo ka qabsoomay xarunta Golaha Wakiilada waxa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro),waxaana ay xildhibaanadu su’aalo kala duwan ka waydiiyeen Wasiirka Maaliyada Miisaaniyada sanadka 2011,oo uu dhawaan u soo Gudbiyay Golaha Wakiilada si ay u ansixiyaan.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay in ay laban laabeen miisaaniyada sanadkan miisaaniyadii sanadkii horena ay ka badan tahay 70%,taasina ay sabab u tahay dib u habayn lagu sameeyay nidaamka cashuur ururinta taasina ay dhalisay in uu dawlada u soo xeroodo dakhli badan oo aan markii hore dawlada u soo xeroon jirin,isla markaana uu meesha ka baxay musuq maasuqii hadheeyay hay’adaha ururiya cashuuraha..

Miisaaniyada sannadkan 2011,oo aanay weli Golaha Wakiiladu ansixinin ayaa waxaa ku jira lacago tiro badan oo loo qoondeeyay Hay’ada cusub kuwaasi oo aanay weli sharci nimadooda ansixin Golaha wakiiladu,iyo sidoo kale Gobolo iyo Degmooyin cusub oo aanay ilaa hada Golaha Wakiilada la hor keenin ansixintooda.



Wasiirka Maaliyada Eng.Maxamed Xaashi oo ay arintaasi wax ka waydiiyeen xildhibaanada Golaha wakiiladu ayaa ku dooday in ay mihiim yihiin qaar ka mid ah Hay’ada haas iyo Degmooyinkaasi,tusaale ahaan Hay’ada qur bajoogta oo uu sheegay in ay ka caawinayso in ay wax ka ogaadaan lacagaha lacagaha la soo diro.

Isaga oo su’aashaasi ka jawaabayana waxa uu yidhi “ waxa aniga ii muuqata in hay’adahaas iyo Degmooyinka qaar kood ay muhiim yihiin, hay’ada qurbo joogu waxa ay inaga caawinaysaa in aan wax ka ogaaano ama la socono lacagaha la soo diro kuwaasi oo cadadkooda aan la aqoon,iyada oo aanay Xawaaladuhu runta ka sheegayaynin lacagahaasi cadadkooda, degmooyinka waxa la yidhi boolis badan ayay u baahan yihiin,laakiin anigu waxaan idhi booliskaas cusub uma baahnin, oo kuweenii hore ayaa tuban meel walba waxay ilaaliyaan xawaalado iyo shirkado aan shaqadooda oo hada lacagba u hayno”.ayuu yidhi Eng.Maxamed xaashi.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanu wakhtigan faah faahin ka bixin Karin miisaaniyada iyo qaabka loo maamuli doonaba,isaga oo xusay in uu arintaasi ka hadli doono marka uu Goluhu ansixiyo miisaaniyada.





« Prev item - Next Item »
---------------------------------------------

Comments


No comments yet. You can be the first!



Leave comment


This item is closed, it's not possible to add new comments to it or to vote on it